
Muwaadinnimadu waa xaq ka mid ah xuquuqda ugu muhiimsan ee Aadanaha. Waa xiriirka ka dhexeeya qofka iyo dalka uu kasoo jeedo. Qof kasta ee adduunkan ku nool wuxuu xaq u leeyahay, in uu helo jinsiyad, haysan karo jinsiyaddiisa, sidaas oo kale, in uu beddalan karo jinsiyadda, uu qaadan karo jinsiyad cusub. Jinsiyaddu kuma xirna isir, diin, af iyo jinsi. Jinsiyaddu waa xaqa katirsanaanta dalka iyo dadka ee muwaadinka.
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay Jinsiyad. 2. Qofna si sharci darro ah loogama qaadi karo Jinsiyadiisa, loomana diidi karo xaqa ah inuu Jinsiyadiisa beddesho. qodobka 15 ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha
Muwaadinnimadu waxa ay fure u tahay xuquuq badan oo ay ka mid tahay ka qaybgalka siyaasadda, qabashada xilalka dowladeed ee dalka, shaqeysasho iyo yeelashada hanti, helid aqoonsi, iyo ilaalin dowladeed ee in aan xuquuqdiisa lagu xadgudbin. Ilaalinta dowladeed waxa ay isugu jirtaa, in marka hore, dowladdu ka dhowrtoonto dhibaataynta muwaadinkeeda, iyo tan labaad, in dowladdu muwaaddinkeeda ka ilaaliso in dhinacyo kale, dowlad iyo dad kaleba, aysan ku xadgudbin. Xuquuqdaas bedelkeeda, waxa muwaaddinka saaran in uu u hoggaansamo sharciyada iyo nidaamka guud ee dalkiisa, uu bixiyo waajibaadka dhaqaale ee canshuurtu ka mid tahay, uu ka qayb noqdo difaaca iyo ilaalinta xuquuqda iyo danaha dowladdiisa.
Dowladuhu iyaga ayaa leh awoodda jaangoynta shuruudaha iyo xaaladaha lagu mutaysto jinsiyaddooda ama loogala noqdo qofka muwaadinka ah. Sidaas oo jirta, haddana sharciyada caalamiga ahi waxa ay dowladaha ku dhiirrigeliyaan dhowridda xuquuqda asaasiga ah ee qofka oo ay jinsiyaddu ka midtahay. Sharciyada dowlahda, dhaqannadooda maamul, iyo isbedallada ku dhaca dowladnimadoodu waxa ay sababaan, in dad badan ay noqdaan dal-laawe aaney jirin dowlad siisa xuquuq muwaadin.
Dadka dal-laawayaasha ah ee uusan jirin dal ay jinsiyad ka haystaan ayaa lagu qiyaasaa dad ka badan 15 milyan oo saddex markii loo qaybsho dalool ay yihiin caruur. Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xaaladda Dadka Dal-laawayaasha ah ee 1954 wuxuu ku qeexay “qof dal-laawe ah/stateless person” in uu yahay “qof aan dowladina u aqoonsanayn muwaadin markii sharcigeeda loo eego” waa qof aan haysan jinsiyad uu ku helo xuquuq muwaadinnimo. Qeexitaankan waxaa soo gelaya, dadka iyagoo meeshii ay ku dhasheen jooga haddana aan ku haysan xuquuq muwaaddin, iyo dad ka qaxootiga ah isla markaana dalkii ay ka yimideen iyo meesha ay joogaan labadaba aan ka haysan jinsiyad. Heshiisku wuxuu dowladaha xubnaha ka ah ku waajibinayaa in ay qofkii yeesha tilmaanta qeexitaanku bixiyay, ay siiyaan xuquuqda asaasiga ah ee ay siiyaan shisheeyaha dalalkooda jooga, siiyaan dukumenti aqoonsi, dukumenti safar, u fududeeyaan socdaalka dalka dhexdiisa iyo dibeddiisaba. waxaa kaloo Heshiisku ku dhiirrigeliyay, in dowladuhu u sahlaan sidii qofka dal-laawaha ihi uga mid noqon laha bulshadooda una heli lahaa jinsiyadda dalkooda.
Dadka gala dembiyada waaweyn ee lid ku ah bini-aadannimada, nabadda, dembiyada dagaal ama galay falal ka horimaanaya mabaadi’da iyo ujeeddooyinka Qaramada Midoobey, kama faa’iideysanayaan xuquuqda Heshiiskan. Sidoo kale, dadka dalal kale kasoo galay dembiyo aan siyaasad la xiriirin iyaguna ka faa’iidaysan mayaan. Dadka haysta kaalmada iyo ilaalinta hay’adaha Qaramada Midoobey aan ka aheyn UNHCR, iyaguna waa ka reebbanyihiin xaqa u aqoonsiga dal-laawannimo.
Dal-laawayaasha aan lahayn jinsiyad waxaa barbar socda dadka iyaga oo muwaadin ah aan helin xuquuqdii muwaadinnimo. labada xaalad ba, Caalamku wuxuu dedaal ku bixiyay sidii dadkaasi ku heli lahaayeen xuquuqaha asaasiga ah ee Aadanaha, iyo yareynta dal-laawannimada.
Haddii Alle idmo, halkan ayaan ku daabici doonaa qormooyin taxane ah oo aan kaga hadli doono, xaaladaha dal-laawannimada ee caalamka iyo Soomaaliya. Anigoo ka eegi doona dhanka sharciga, waaqica jira iyo caqabadaha, dabadeedna raacin doona talooyin la dhaqangelin karo.
La socod waca…