Articles

Midaynta Astaamaha Midnimada Qaranka

Astaamaha mideeya dadka Soomaaliya waa badanyihiin balse loogama faa’iidaysto si wax-ku-ool ah. Astaamahaas waxaa ka mid ah kuwa dowladnimada. Calanka buluugga ah, Astaanta Qaranka, iyo Heesta Qaranka ayaa ugu muhiimsan astaamaha Qaranka. Calanka Soomaaliya waxaa la qaatay markiisii u horreeysay 1954 xilligii Dowladdii Daakhiliga ahayd. laba sano ka bacdi ayaa Astaanta Qarankana la qaatay hase yeeshee, labaduba waxa ay si rasmi ah u hirgaleen goortii aan noqonay dal madax-bannaan 1960. Markaas ayaa tilmaamaha Calanka iyo Astaanta Qarankaba lagu faahfaahiyay qodobka 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda ee 1960. Marka laga reebo, Dastuurka KMG ah ee 2012, dastuurradii ay Soomaaliya soo yeelatay ma aysan qorin heesta qaranka ama mida calanka toona.

Dastuurka KMG ah ee 2012 ayaa qodobkiisa 6aad ku bayaamiyay dhamaan saddexda sumadood ee uu leeyahay Qaranka Soomaaliya. Faqradda 1aad waxaa ku faahfaahsan tilmaamaha Calanka Soomaaliya.

Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta A ee Jadwalka koowaad, waa laydi buluug furan ah oo ay dhexda kaga taal xiddig cad oo shangees ah, madaxyo simanna leh.

Calanka markii u horreeysay waxaa uu ku soo baxay xeer uu soo saaray “ORDINANZA n. 17 rep. Del 6 settembre 1954: Banchera della Somalia.” Waxaa lagu daabacay Bolletino Ufficiale Dell’ A.F.I.S, Anno 5, N.10, Mogadiscio, 1 Ottobre 1954. Waa markii u horreysay ee tilmaamahaas uu Calanku hadda leeyahay la siiyo.

Tan iyo waagaas, Calanka waxba laga beddalin. Mushkuladuse halkaas maahine, waa in loo baahanyahay in lasii bayaamiyo tilmaamahaas oo la nidaamiyo habka adeegsigiisa. Hadda waxaa badatay, in qof waliba, masuul iyo shacab, uu qaato midabka uu doono, xajmiga uu doono iyo qaabka uu doono u dhigto. Taasi waxa ay dhaawac u gaysnaysaa aqoonsiga iyo xushmeynta loo haayo Calanka.

Tilmaanka midabka Calanka “buluug Furan” keliya kuma filna, waayo casrigaan la joogo, midabbadu waxa ay leeyihiin furayaal ‘codes’ lagu sii kala karto. Buluug furan, ayaa waxaa sii yeelan karaa dhowr jaad oo kala duwan. Lifaaqa ‘A’ ee Dastuurka KMG, Calanka ku jira si qumaati ah uma waafaqsana nooca ‘buluug furan’.

Hadda waxa ay keentay in ay jiraan, dad Soomaaliyeed oo isticmaala noocyada masawirka sare. Waxaad moodaa in ay matelayaan dalal kala duwan.

Marka loo yimaado Astaanta Qaranka, iyadana waxaa lagu cadeeyay faqradda 2aad ee qodobka 6aad ee Dastuurka KMG ah ee 2012, una qoran sidan:

Astaanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee Jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay. Qodobka 6 (2) ee Dastuurka KMG

 

Astaanta waxaa markii u horreeysay lagu soo saaray Sharci Lr.11 ee 10 Oktoobar 1956 “Emblema della Somalia” Astaanta Qaranka-Anno vii Mogadishu 10 ottobre 1956. Sharcigaas wuxuu dhigayay tilmaamaha Astaanta iyo lifaaq layskula daabacay isla Faafinta rasmiga ah. Dastuurkii 1960 iyo dastuurradii ka dambeeyay waxa ay raaceen isla tilmaamaha astaanta ee lagu jideeyay sharcigaas hore.

Si la mid ah Calanka, tilmaanta Astaanta Qaranka, iyo Lifaaqa ku jira Jadwalka Kowaad qaybtiisa ‘B’, isma lahan oo diilinta hoose waa inay CADDAHAY. Taasi waxaa dheer, shabeelladu waa midabba kala duwan yihiine – midab ahaan, dhibcaha, tilmaamaha jireed ee kale, waa kuwee? Shan madax miyaa mise waa saddex iyo laba midkiiba hal dhinac ah? caaradda ma waxaa leh waranka mise gaashaanka? haddii ay waranka tahay sidee hoose isaga weydaarsanyihiin?

Astaan hadda waa tan ku lifaaqan Dastuurka KMG ah waxa ayna khilaafsantahay qeexitaanka qodobka 6aad ee isla Dastuurka.

Heesta Astaanta Soomaaliya waa “Qolobaa Calankeedu” waana tan ku xusan qodobka 6aad “Soomaaliya Hees astaan u ah qaranka wey leedahay waana “Qolobaa Calankeed.” Dastuurradii hore ee Soomaaliya ma aynan xaddidin Heesta Astaanta Qaranka, balse  waxaa sharci Lr.1 ee soo baxay 15 Diseembar 1987 “Salaanta Qaranka” SHARCI L. 1 ee 15 Dis. 1987 Salaanta Qaranka” oo markaasi ahayd Soomaaliyeey Toos, Toos oo isku tiirsada.” Hadda, dad badan waxa ay isku khaldaan, astaantaas hore iyo mida uu Dastuurku sheegay ee Qolobaal Calankeedu waa Cayn. Heestan waxaa qaaday Abwaan Maxamuud Muxummad Qarshe (Cabdullaahi Qarshe) habeenkii la Xorriyadda ee lataagay Calanka Jumhuuriyadda. Waxaa jira dad badan oo qoloba siiqo gaar ah u tiriso. Halkan ka akhriso tuducyadeeda.

Haddaba, anigu waxaan soo jeedinayaa in Dowladdu qaaddo tillaabooyinkan soo socda:

  • In la toosiyo qodobbada iyo lifaaqyada Dastuurka ee ka hadlaya Astaanta Qaranka iyo Calanka.
  • in la dejiyo sharci faahfaahin quman ka bixinaya Astaanta Qaranka, Calanka iyo Heesta Qaranka.
  • In uu jiro calan leh naqshad iyo tilmaamo dhameystiran, ayna caddahaya habka iyo qaababka adeegsigiisa. 
  • In Dowladda Federaalku sameyso wacyigelin, manhajka waxbarashada lagu daro maaddooyinka waxbarashada madaniga ah ee Calanka, Astaanta Qaranka iyo Heesta ku jiraan si loo muujiyo maamuuska uu leeyahay iyo ixtiraamka uu mudanyahay.
  • in la qeexo qaababka loo adeegsan karo Calanka, Astaanta, Heesta iyo goobaha iyo munaasabadaha lagu asteeynayo.
  • in la caddeeyo siyaalaha iyo waxyaabaha ka reebban in loo adeegsado Calanka, Astaanta Qaranka iyo Heesta Qaranka.
  • Awoodda daabicidda iyo soosaarista Calanka iyo Astaanta Qaranka oo la cayimo.

Laydi: waa shaxan leh afar gees/xaglo quman oo labada dhinac ee iska soo horjeeda ay isla egyihiin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button