Articles

Hayaankaygii waxbarasho & dalbarasho ee Itoobiya

Qaybta 6aad uguna dambeysa taxanaha: Shucuubta Itoobiya

Itoobiya waa dowlad ay ku nool yihiin qowmiyado kala diin, dhaqan, af iyo deegaan ba ah. Marka la sifeeynayo waxaa lagu qeexaa dowlad ee maahin qaran. Dowladnimadu, Itoobiyaanka waxay uga dhigantahay sida qofku ugu baahanyahay oxygen si uu u noolaado. Shucuubta iyo qowmiyadahaas ku kala duwan astaamaha dabiiciga aha ee isku xiri lahaa bulsho meel ku wada nool waxaa lagama maarmaan u ah in ay helaan nidaam ay ku xiriiraan, kaa soo ah dowlad. Saas darteed, marka Itoobiya la joogo, dowladdu waa xariga isku xira bulshooyinka kala duwan, ilaaliya danahooda, dhowra in aan la kala tegin. Dowlad la’aan waa u biyo iyo oxygen la’aan.

 

Waa qowmiyada ugu badan Itoobiya
isha sawirku waa https://www.britannica.com/place/Ethiopia/Ethnic-groups-and-languages

Sooyaalka markii dib loo raaco, Itoobiya waa meelaha fara-ku-tiriska ah ee aan inta la ogyahay waligood dowlad la’aan noqon.

Abla-ablaynta shucuubtaas waxaa laga eegaa dhinacyo badan. Juquraafi ahaan, waxay u kala baxaa bulshooyinka dega dhulka sare ee buuraha oo dhaca Woqooyi ilaa Bartamaha Itoobiya. Dhulkaani waa dhul beerashada ku habboon, buuraleey u badan, roobku u badanyahay. waa dhul barwaaqo ah, dadkiisu yihiin beeraleey hodan ah. Waa dhulka soo saara hoggaamiyaasha Itoobiya.

Dhulka kale waa dhul ka hooseeya dhulka hore. Dhulkaan badanaa waa oomane, shucuubtiisuna waxay u badanyihiin xoola dhaqato ree guuraa ah. Dadyowga kasoo jeedaa dhulkaani badankood waa sabool.

Dadyowga dega dhulka sare ee hodanka ah waxay u badanyihiin dad haysta diinta Kiristaanka (oo isugu jira madaahibteeda) halka dadyowga dhulka hoose ee xoolaleeyda ah ay yihiin dad u badan muslimiin, badiba Sunni ah.

Afafka looga hadlo Itoobiya aad bey u badan yihiin waxayna isugu jiraan: Semitic, Cushitic, Omotic iyo Nilotic. Saddexda hore waa qoyska afafka Afro-Aasiyatiga. Qaybta afaraad, Nilotic, waxaa ku hadla dad yar oo ku nool Galbeedka Itoobiya. Nilotic wuxuu ka tirsanyahay qoyska luqadda Nilo-Sahara.

Kala duwanaashiyahaasi wuxuu sababay herdan ka dhex jira qowmiyadahaas oo ku aaddan awoodda xukunka iyo dhaqaalaha dalka.

Qowmiyadaha dega woqooyiga iyo bartamaha ee beeraleeyda ah, waa dad u bisil hoggaansanka iyo xukunka, halka dadka xoolaleeyda ee dhulka hoose ay yihiin dad aan u nugleeyn xukun. Cilmibaarayaasha qaar ayaa ku dooda, in sababtu tahay qaab nololeedka bulshada. Beeraleeydu waa dad leh degganaasho dhuleed iyo dhaqan soojireen ah oo aan isbeddallo badani ku dhicin. Halka xoolaleeydu yihiin ree guuraa aan lahayn dhul iyo deegaan gaar ah islamarkaana ku milma hadba deegaanka iyo bay’ada ay joogaan. Saas darteed aan lahayn dhaqan sugan iyo nidaam joogto ah toona.

Si kastaba, badiba shucuubta Itoobiya waa dad ku nool nolol dabiici ah oo aan ku xirnayn baahi dibadeed. Cuntada la cuno waa mid ka soo baxda dalka gudihiisa. Horumarka nololeed waa mid aan xowli ahayn taasoo dhanka wanaagsan marka laga eego yareeynaysa in uu dhaco sicir barar nololeed. Ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah iyo dhowrista bay’adu wali ma noqon xad dhaaf.

Itoobiyaanku waa shucuub xadaarad leh, deggan, soo dhoweyn leh, shaqaysta, u badan muxaafid ahlu diin ah (ku adag caqiidadooda), u gegsan kara dhibaatooyinka nololeed ee dabiiciga ah iyo kuwa Aadanuhu sameeyay.

Intii aan joogay waxaan soo booqday degaanno badan oo Woqooyi, Bari, Koonfur iyo Bartamaha Itoobiya. Waxaad dareemeysaa in uu yahay dhul leh xadaarad soo jireen ah. Diimaha isku soo gaaray ee ka taliyay waxaa ka mid ah: Waxaa soo gaartay boqortooyadii Nebi Suleymaan SCW. Towreed ayaa Woqooyi Itoobiya (ka hor inta aan Itoobiya loo bixin) looga dhaqmi jiray. Dabadeed, Injiil oo Nebi Ciise SCW lagu soo dejiyay ayaa looga dhaqmay. Qarnigii 7aad iyo wixii ka dambeeyay ayaa Islaamku ka taliyay bariga, bartamaha iyo qaybo ka mid ah Koonfurta Itoobiya. Islaamku hadda waa diinta labaad ee dalka waxayna ku xigtaa diinta koowaad oo ah Kiristaan.

Dowladda Itoobiya hadda diin gaar ah kuma dhaqanto, balse taa beddalkeeda, waxay ixtiraamtaa dhammaan diimaha, afafka iyo qowmiyaadka kala duwan. 

Halkani waa Axume | .
Maxkamaddii Balqiis |
Dariixa Nejaashi iyo Asxaabtii Nebiga AKR |

Fagaara Magaalada Hawassa |

Hawassa University |

Jigjiga University |

    Halkaan ayey ku egtahay qoraalladii taxanaha ahaa ee aan ka sameeyay socdaalkeygii waxbarasho iyo dalbarasho ee Itoobiya. Aad ayaad ugu mahadsantahay in aad akhrisay, lasocotay ama aad faallo togan ka bixisay.

    Related Articles

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Back to top button