Articles

Hayaankaygii waxbarasho & dalbarasho ee Itoobiya

Qaybta 4aad: Astaamaha Nidaamka Federaal ee Itoobiya

Qiyaastii 40% ee shucuubta caalamka waxaa lagu xukumaa nidaam federaal. Ugu yaraan 25 dal ayuu u yahay nidaam siyaasadeed kuwaas oo ay ka mid yihiin: United States, Russia, Switzerland, Brazil, Australia, India, Nigeria (1). Maadaama uu yahay nidaam siyaasadeed, qaadashada federaalku wuxuu ku xiranyahay doonista hoggaamiyaasha siyaasadeed iyo oggolaashaha shucuubta dalka qaadanaya federaalka.

Hoggaamiyaasha siyaasadeed -ee naqshadeynayaan nidaam siyaasadeedka dal- marka ay xulanayaan nidaam siyaasadeed waxa ay ku doortaan nidaam gaar ah: asbaab siyaasadeed ama asbaab farsamo ama labadaba. asbaabta siyaasadeed waxaa ka mid noqon kara, baahinta iyo daadejinta awoodda xukunka si looga fogaado kali-talisnimo iyo ku tagrifal awoodeed. Wadaagista dhaqaalaha dalka iyo in deegaannadu si siman u wada horumaraan. Asbaabta farsamo waxaa ka mid ah in adeegyada dowladdu bixiso loo dhoweeyo shacabka. Federaalka waxaa kaloo xal laga doonaa marka wadanku galo xaalad nabadgelyo xumo iyo dowlad la’aan taasoo ka dhalatay burbur nidaam siyaasadeed kaligii-talis ah, si loo dhiso aaminaadda siyaasiyiinta iyo bulshada dhexdeeda ah. Noocan waxaa tusaale u noqon kara dalalka Bosnia, Nepal iyo Soomaaliya.

Sabab kasta oo ay qaadashadiisu ku timaado, nidaamka federaalku wuxuu nidaam siyaasadeedyada kale kaga duwanyahay astaamaha soo socda:-

Tan 1aad | Dal kasta oo federaal qaataa waa in uu leeyahay dastuur rasmi ah, qoran oo laysku raacsanyahay. Federaal ma suurtagalayo dastuur qoran la’aantiis. Dastuurkaasi oo noqonaya dukumentiga jideeya baahinta awoodda dowladda iyo abuurista heerar dowladeed kala duwan balse isla shaqeeya, waa sharciga ugu sarreeya ee nidaamiya awoodaha dowladda iyo sida loo gudanayo. Sharci kasta ee ay soo saaraan heerarka dowladdu waa in uusan khilaafin.
Tan 2aad | Astaanta labaad waa in nidaamka federaalku abuurayo heerar dowladeed siman oo aan midina tan kale hoos imaanayn. Dowladda heer qaran, dowladaha heer gobol, iyo dowladaha hoose. Tan macnaheedu wuxuu yahay, heer dowladeed kasta ee dastuurku dhiso ee uu awood gaar ah siiyo, xor ayay u tahay ku-dhaqanka awooddeeda iyadoon idan uga baahneyn heer kasarreeya. Heerarka dowlad federaal ihi ma kala sarreeyaan ee waa kala awood duwan yihiin. Mabda’a u dhexeeyana waa in mid waliba dhowrto awoodaha tan kale.
Tan 3aad | Ujeedku maahin keliya jiritaanka heerar dowladeed ee waa in dastuurku uu awoodaha dowladda u qaybiyo heerarka uu dhisay. Awoodaha ay heer dowladeed kasta gaar u leedahay iyo awoodaha ay wadaagaan. Arrimaha si siman u wada saameeya deegaannada oo idil  tuse lacagta oo kale, waxaa awood u leh dowladda dhexe, halka arrimaha aan deegaannada oo idil isku si u wada saameyna tuse ahaan waxbarashada, waxaa awood loo siiyaa heer dowlad goboleed iyo dowladaha hoose. Awoodaha uu dhinac waliba dowr ku leeyahay oo ay ka mid tahay arrimaha ilaalinta bay’adu (deegaanka) waa la wadaagayaa. Awood qaybinta marka la joogo laba xaqiiqo in la ogaado waa muhiim; tan hore waa in ay adagtahay qaybin dhamaystiran iyo kala soocis ee awoodda dowladda maadaama ay shacabka iyo dhulka lagu dhaqayo uu midaysanyahay, hase ahaatee, qaybinta, halkan waxaa loola jeedaa heer dowladeedka hoggaaminaya xeer-dejinta iyo jaangoynta siyaasadaha la xiriira awoodda la siiyay. Tan labaad waa in shaqada dowladdu isku xirantahay oo aysan dhici karin kala soocid dhamaystiran maadaama uu mid-tahay sababta uu waajibka dowladdu ku yimid. Tusaale ahaan Arrimaha Xiriirka Caalamiga ah badanaa waxaa awood u leh dowladda dhexe balse heshiisyada caalamiga ah ee ay soo gasho iyadoo adeegsanaysa awooddaas, waxa ay la xiriiri karaan awoodaha dowlad goboleedyada oo markaas u baahan in lagala tashado sida Dastuurka KMG ee Soomaaliya faray (eeg qodobka 53). Sidaa darteed, heerarka dowladda waxaa waajib ku ah wada shaqayn iyo joogtayn xiriir wanaagsan.

Tan 4aad | Badiba dowladaha federaalka qaatay, waxay dowlad goboleedyada iyo meelaha qaar dowladaha hoose siiyaan matalaad heer qaran ee ka qayb qaata jaangoynta siyaasadaha khuseeya arrimaha dalka oo idil saameeya ee ay masuul katahay dowladda dhexe.

Tan 5aad | Maadaama aysan jirin heer ka sarreeya heerarka kale oo amri kara isla markaasina ay waajib tahay wadashaqayn dhex marta heerarka dowladda, dowladaha federaalka qaatay waxay leeyihiin hannaan xiriir oo nidaamiya habka iyo hay’ada khuseeya isla falgalka heerarka dowladda. Habkaan xiriirka heerarka dowladda waxaa loo ekeeysiiyaa sida olyada la mariyo isgoysyada biruhu iska taabtaan taasoo la’aanteed mashiinku uusan dhaqaaqayn. 

Tan 6aad | Haddiise uu xiriir wanaagsan suurtagaliwaayo waa in la helaa hannaan garsoor oo majaraha ku soo celiya heer dowladeedkii xadgudba. Badanaa dowrkaan waxaa iska leh garsoorka ha ahaado mid dastuur ama mid caadi ah, balse dowladaha qaar hay’ado siyaasadeed ayaa awooddaas iska leh tuse ahaan Itoobiya, Aqalka Federaalka oo ah hay’ad siyaasadeed ayaa leh awoodda ka garniqista khilaafka heerarka dowladda. Dalalka qaarna shacabka ayaaba xakam ah tuse ahaan khilaafka qaar loola noqonayaa, Switzerland.

Dhamaan dowladaha qaatay nidaamka federaalku waa ay leeyihiin lixdaas sifo haba ku kala duwanaadaan sida ay u dhaqangeliyaan. Itoobiya oo ka mid ah dalalka ku cusub qaadashada nidaamka federaalka, shuruudahaasi waa ku dhanyihiin nidaamkeeda siyaasadeed.

Doodihii Jaamacadda ee Nidaamka Federaalka Itoobiya

Soddon  (30) sano ka badan ayaa laga joogaa markii ay Itoobiya qaadatay nidaamka federaalka ee qaabeeyay hannaanka dowliga ah ee dalkaas. Tan iyo muddadaas, arrimaha ugu badan ee doodadaha bahda jaamacadaha iyo akaadeemiyada waxaa ka mid ah qodobbada soo socda:-

Hoos u dhigista dowrka dowladaha hoose. Dowladda Itoobiya waxa ay ka koobantahay dowladda dhexe, 11 dowlad goboleed, laba maamul magaalo oo hoos yimaad dowladda dhexe ee ah caasimadda Addis Ababa iyo Dire Dawa. Dastuurka Federaalka Itoobiya wuxuu awoodda dowladda u kala qaybiyay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Dastuurku sidoo kale wuxuu bulshooyinka mujtamaca Itoobiyaanka ah xaq u siinayaa in ay dhisan karaan dowlado heer deegaannadooda (eeg qodobka 39 (3)) hase yeeshee sida ay xaqaas u gudanayaan dastuurku wuxuu hoosgeeyay awoodda dowlad goboleedyada (eeg qodobka 50 (4)). Taasi waxa ay keentay in dowlad goboleedyadu sida ay doonaan u nidaamiyaan dowladaha hoose oo aysan jirin awood daadejin rasmi ah ee sida dastuurku tilmaamay ah. Xubnaha akaadeemiyada qaar waxay eedda saarayaan dastuurka oo aan damaanadqaad u samayn dowladaha hoose, halka kuwo kalena ay ku doodaan in habka loo hirgeliyay dastuurka iyo siyaasadaha madaxda xukunka ay sabab u tahay kaalinta hooseysa ee dowladaha hoose ee Itoobiya.

Oggolaashaha kala-go’idda dalka. Dastuurka Itoobiya wuxuu si cad u oggolaanaya in gabal ka mid dhulka Itoobiya uu ka go’i karo dalka intiisa kale. Shuruudo ayaa ku xiran xaqa go’itaanka ay ka midyihiin (1) in golaha wakiillada dowlad goboleedka uu deegaanka go’aya ka tirsanyaha ay sidaas ku oggolaadaan aqlabiyad saddex meelood laba ah, (2) in shacabka deegaanka doonaya go’itaanku ay afti laga qaaday aqlabiyaddoodu ku taageeraan ago’itaankaas, (3) in dowladda dhexe ee Itoobiya ay awoodda dowladda ku wareejiso deegaanka go’ay, iyo (4) in ay labada dal ka heshiiyaan qaybsiga hantida dowladda iyo kheyraadka (eeg qodobka 39 (4)). si kastaba ha ahaatee, doodda dhextaalla bahda akaadeemiyada ayaa ah dareenka uu oggolaashalaha kala-go’iddu sababayo oo qaar ka mid ah waxa ay ku doodaan in uu abuurayo dareen welwel leh oo aan xoojinayn midnimada iyo itoobiyaannimada halka kuwo kalena ay qabaan in xaqaan uu dastuurku bixiyay ay shucuubtu asal ahaan u leeyihiin in ay aayahooda katashadaan, in si cad loogu qeexo dastuurkana waxa ay dhalin kartaa (a) in qalbiga loo qaboojiyo kooxo badan oo bulshada (Tuse: qowmiyadaha) Itoobiya ah oo ku hammi lahaa gooni u goosad maadaama xaqii ay xoog ku raadin lahaayeen uu dastuurku u kafaalo qaaday, iyo (b) in aanay dhicin kaligii-talisnimo oo xukunku uusan hal meel ku koobmin.

Dheellitir la’aanta qaybinta awoodda dowladda. Dastuurka Itoobiyada awoodaha siyaasadeed ee dowladda si faahfaahsan ayuu ugu qaybiyay labada heer dowladeed ee heer dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, hase ahaatee, wuxuu awoodda dhaqaalaha badankeed siiyay dowladda dhexe. Tusaale  u ahaan dowladda dhexe waxa ay awood u leedahay ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee dakhliga dowladdu ka soo xaroodo sida furdada (canshuuraha dhoofinta iyo soo dejinta); canshuuraha dakhliga ee shaqaalaha iyo shirkadaha dowladda dhexe; canshuuraha dakhliga gaadiidka cirka, dhulka iyo badda; canshuuraha ganacsiga isaga goosha laba dowlad goboleed iyo wixii ka badan; dakhliga kasoo xarooda khidmaha dowladda dhexe bixiso; dakhliga shirkadaha korontada, isgaarsiinta, warshadaha, bangiyada, caymiska iwm ee ay dowladda dhexe leedahay. Dowlad goboleedyadu ma lahan awood dhaqaale oo ay ku fuliyaan awoodaha siyaasadeed ee la siiyay, intooda badanna waxay ku tiirsanyihiin kab-miisaaniyadeed ay dowladda dhexe siiso. Kabka dowladda dhexe waxaa la socda shuruudo u adeegaya siyaasadda dowladda dhexe sidaasina waxaa ku dheelliyaya mabdi’ii nidaamka federaalka ee ahaa heerar dowladeed siman.

Xuquuqda Kooxaha oo ka sare maray kuwa qofka. Marka la eego habka loo naqshadeeyay qaabdhismeedka dowlad goboleedyada iyo dowladaha hoose ee Itoobiya, waxaa ka muuqata hab isir ku salaysan oo badiba dowlad goboleed kasta waxaa iska leh qowmiyad gaar ah. Xuquuqaha madaniga iyo kuwa siyaasiga ah ee ay ka mid yihiin isu taagidda xil dowladeed, samaysasho xisbi, diiwaangelinta rasmiga ah iyo ka qaybgalka maamulka dowladaha hoose; iyo xuquuqda shaqada waxa ay badiba u dhowrantahay xubnaha qowmiyadda ugu badan ee leh dowlad goboleedka, halkaasna waxaa ku lumaya xuquuqdii shakhsiga ahayd ee muwaaddinka Itoobiyaanku ay ahayd in uu ku helo meel waliba ee uu dalka Itoobiya uga nool yahay. Mararka qaar qowmiyadaha aan lahayn deegaan u gaar ah, iyo dadka ku nool degaan aan ahayn kii qowmiyaddooda waxa ay u nugul yihiin takoor iyo waayid xuquuq asaasiya oo ay qof ahaan u yeelan lahaayeen.

Xukunka hal xisbi. Laga soo billaabo markii ay federaal noqotay 1991, Itoobiya waxaa xukumayay hal xisbi. 1991 ilaa 2018 waxaa xukumayay Xisbi isbahaysi ah oo ay samaysteen jabhadihii dalka ka cayriyay xukunkii Mengistu. Isbahaysiga Dimuqraadiga Kacaanka Shacabka Itoobiya (Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front) walow uu ka koobnaa isbahaysi xisbiyo qowmiyadeed ka jiray heer dowlad goboleed ilaa dowladaha hoose, haddana awooddiisu waxa ay taalay heer qaran oo waxaa awoodda lahaa ras’iisul wasaaraha dowladda dhexe. Sidaas malaha waxaa u sabab ah arrimo ay ka mid tahay dheellitir la’aanta qaybinta awoodda dhaqaale ee heerarka dowladda ee aan sare ku soo xusnay. Wixii 2019 ka danbeeyay, Isbahaysigii wuxuu u xuubsiibtay Xisbiga Barwaaqo oo markaan si rasmi ah u baabi’iyay xisbiyadii isbahaysiga marka laga reebo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigrey (TPLF) ee woqooyiga Itoobiya. Qancin la’aanta TPLF markii danbe waxay isu rogtay dagaalka woqooyiga Itoobiya ee soo billowday 2020 walina socda. Xisbiga Barwaaqo (Prosperity Party) hadda wuxuu ka taliyaa dhamaan heerarka dowladda ee dalka oo idil. Waa xisbi leh maamul dhexe oo midaysan, awooddiisuna ay wada taallo caasimadda Addis. Doodda taalla ayaa ah, saamaynta uu xisbigaas midaysan ku yeelan karo dhaqangelin nidaam federaal ee kala qaybinta iyo baahinta awoodaha dowladda. Xisbi midaysn ma maamuli karaa dowlad awooddeedu baahsantahay (federaal)?

 

Qaybaha xiga uga bogo waxa ay Soomaaliya ka barankarto caqabadahaas uu wajahayo nidaamka federaalka Itoobiya.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button