Articles

Hayaankaygii waxbarasho & dalbarasho ee Itoobiya

Qaybta 2aad: Soo dhowayntii Itoobiya iyo Noloshii Jaamacadda ECSU

Wixii ka horreeyay 2020, Dalka Itoobiya waxay Soomaaliya siin jirtay deeq waxbarasho oo isugu jirta heerarka jaamacadeed ee darajada kowaad iyo takhasuska sare. Deeqdaas waxaa Soomaaliya loo siin jiray Dowladda Federaalka, Somaliland iyo Puntland. Wixii 2020 ka horreeyay Itoobiya waxay saddexdaba sannad kasta siin jirtay min 20 arday oo daraasadka sare ee takhasuska (Master & PhD) oo ay bixiso Jaamacadda Ethiopian Civil Service University (ECSU). Sanad waxbarashadeedka 2019/2020 ayaan ka mid ahaa 19 arday oo Master la siiyay ee Dowladda Federaalka ka socotay. Nasiib darro, dufcadii 2019/2020 wixii ka dambeeyay lama aqbalin arday kale ilaa hadda.

Goobtu waa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta. Xafladdii loo qabtay sagootinka dufcada sanad waxbarashadeedka 2019/2020. Bartamaha safka danbe waxaa taagan Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XJFS iyo Safiirka Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya

Intii aynaana bixin ayaan iska waraysanay bixitaanka, cida na soo dhowaynaysa iyo waxa aan u baahanahay diyaar garow. Waa tii hore loo yiri “Safar suus ayuu u safraa” ama “Safar waa si wada yeel.” Nasiib wanaagse waxaa Muqdisho joogay guddoomiyihii ardada Soomaaliya ee jaamacadda aan u soconnay Mudane. Hassan Mohamed Ali, oo loo aqoon ogyahay “Mr. Program” iyo arday kale. Waxaan helnay xog qiima leh, hagis toolmoon iyo qabanqaabo wanaagsan. waa ku mahadsanyihiin dhamaan sidii ay noo gacan qabteen.

Abbaare 12:25PM goor danbe ayaan gegida caalamiga ah ee diyaarada Aden Adde ka raacnay diyaarad ay leedahay Ethiopian Airlines oo laba saacadood oo aan hawada ku jirnay si nabadgelyo ah ka degnay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Addis Ababa Bole. Waxay ahayd maalin Sabti ah 5ta bisha Oktoobar 2019. Waxaan isugu jirnay arday sidatay baasaboorka shaqada kuwaas oo durbadiiba loogu dhiftay gelid. Iyo arday sidatay baasaboorka caadiga ah oo muddo kooban ay foom buuxiyeen, lacag khidmana bixiyeen dabadeed iyagana loogu dhiftay dal-ku-gal waxbarasho.

Baasaboorka Shaqadu (service passport) waa baasaboor la siiyo howlwadeennada Dowladda wuxuuna ka midyahay dukumentiyada safar ee rasmiga ah. Qofka sitaana wuxuu leeyahay maqaam gaar ah iyo mudnaan ku dhigan Axdiga Vienna ee Xiriirrada Diblomaasiyadeed ee 1961. 

Ardadii joogtay Addis Ababa ee dhiganaysay Jaamacadda ECSU waxay noo soo dhoweeyeen si heer sare ah, waxay noo keeneen gawaari na gaysa Jaamacadda, waxay noo qabteen hoteel aan dagno, adeeg isgaarsiin iyo latalin joogta ah.

Addis Ababa waxaan ku aadnay xilli galab ah oo jawigu qabow yahay, heerkulku wuxuu ahaa 23 sentigraydh, mararka qaarna roob baa da’aya. Maadaama, fasaxa todobaadka Itoobiya yahay Sabti iyo Axad, innaguna aan ku aadnay Sabti oo uunan jirin xafiis furan, waxaan sii degnay hoteel ilaa aan is-diiwaangelinay oo aan helnay degaan Jaamacaddu noogu talogashay.

Maalmo yar ka dib waxaa noo billowday noloshii Jaamacadda oo sida qorshuhu yahay socondoonta muddo laba sano ah. Durbadiiba, waxaa soo baxay duruufo soo wajahay qaarkeen oo ay ku adkaatay la qabsiga nolosha Jaamacaddu. Jawiga oo aad u qabow, cuntada oo in badan ka duwan tii Soomaaliya, afka Amxaariga oo  aynaan aqoon ahna kan meesha looga hadlo iyo daraasaddii oo ku billaabatay xowli culayskiisa wata.

Injera waxaa lagu diyaariyaa suxuun fidsan oo loogu talogalay, haddiise la waayo qaar baa la duubaa

Jaamacaddu waxay leedahay adeeg cunto oo saddex goor ah, adeeg caafimaad oo joogta ah, degaan, Internet xawaare fiican, maktabad, goobo ciyaaraha kala duwan, maqaaxi, iyo kafateri laga helo casariye qiime jaban.

Cuntada asaasiga ah ee laga cuno Itoobiya waa Injera, canjeero ballaaran oo laga sameeyo mira geedka daafida ‘Teff’ oo ah miraha cuntada qaranka Itoobiya. Injerada waxaa lagu cunaa suugo laga sameeyo mar misir, marna khudrad iyo baradho, marna shaciir, digir cad, marna hilib iyo maraq ikk. Cuntada Itoobiyaanka waxaa qayb weyn ka ah basbaaska oo la’aantiis aysan cuntaba ansax ahayn.

Waa xilli qado oo aan ku jiro Ceel-dhanaan, Maqaaxida Ardada. Sawirku waa kamarad mobile wajiga hore ah, iina qabatay sida iskaatusta laysugu arko.

Ceel-dhanaan waa magac ay ardada Soomaalidu u taqaan maqaaxida ardada ‘Student cafeteria’. Waxaan tagnay iyadoo magacaas loo yaqaan, sababta loogu bixiyay waa in Injerada badanaa ayan ahayn mid cusub, xoogaa markii ay raagto na waxay yeelataa dhanaan markii aad afka geliso ay qanjirada afku ku roorayaan.

Shaaha, Jaamacadda gudaheed waxaa lagu cabaa hal Riyaal ‘Birr’ oo u dhiganta wax-ka-yar shan boqol oo Shilling Soomaali ah. 

Ardadii badankood, duruuftaas waa u adkaysteen oo waa soo dhamaysteen waxbarashadii halka qaar kale na ay ku adkaatay oo ay wadi waayeen.

Waxyaalihii cajiibka ahaa ee nolosha Jaamacadda waxaa ka mid ahaa, in raga iyo dumarka loo kala duway degaanka. Waxaana mamnuuc ah in jaamacadda dhexdeeda la la yimaad dhaqan ka baxsan ardaynimada ama ka horimaanaya anshaxa suubban ee Aadanaha. Habeenkii kowaad ee aan nimid Addis Ababa, hoteelkii waxaan ka waynay qolol badan oo na wada deeqa maadaama aan badnayn, goor danbana aan nimid, markaas waxaan codsanay in aan qololka laba-nafarka ah ku seexano qolkiiba laba qof, waase naloo diiday in laba rag ah ay isku meel degto, ilaa dood dheer ka dib aan ku qancinay inaan nahay umad Muslim ah oo dhowrsan, kana nasahan ficillada sirgaxan.

Itoobiya waa dal ay wada degaan qowmiyado kor dhaafaya 80 oo kala dhaqan, diin, af iyo isirba duwan. Waxayse ka midaysanyihiin inay yihiin shucuub muxaafid ah oo dowladnimada u hoggaansan. Dowladda ayaa bixisa dhamaan adeegyada asaasiga ah ee dalka sida Isgaarsiinta, Waxbarashada, Caafimaadka, Korontada & Biyaha, Gaadiidka, Bangiyada, Dhismaha iyo badiba Ganacsiga beecmushtarka. In Dowladdu bixiso adeegyadaas muhiimka ah laba faa’iido ayaa ku jirta, waa tan kowaade, maaraynta maciishada oo ay hoos u dhigtay maadaama ayan jirin cid Dowladda tartan kula jirta suuqa. Tan labaad waa in Dowladdu yeelatay awood badan, taasoo ay adagtahay inay soo baxdo awood ka gacan sarraysa ama la siman tan Dowladda maxaa yeelay waxay gacanta ku haysaa dhaqaalihii dalka.  Waana mid ka mid ah sababaha jiritaanka gunta ah ee dowladnimada Itoobiya .

Hase ahaatee, waxaa iyadna lagu doodaa in dhaqaalaha oo ay dowladdu gacanta ku hayso uu leeyahay khasaare badan oo natiijadiisu isugu biyoshubato inaan dhaqaalaha dalka laga gaarin horumar muuqda waayo horumarka waxaa sababa in tayada adeeg bixinta iyo wax-soo-saarka lagu tartamo waana mid aan hadda jirin. Tan kale, dhaqaalaha oo dowladdu maamusho wuxuu soo jiitaa musuq baahsan iyo nin-tooxsi, taasoo ugu danbayn la mid noqota dhibaatooyinka iyo wax-is-dabamarinta ka jirta nidaamka siyaasadeed.

 

 

 

 

la soco qaybta xigta, nidaamka waxbarasho ee Jaamacadda ECSU iyo doodihii Nidaamka Federaalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button