
Aayad Quraan ah ayuu Eebbe Weyne ku yiri “Eebbe wuxuu koryeelaa kuwiinna rumeeyay iyo kuwa cilmiga leh darajooyin” Suuradda Al-Mujadila 58:11.
Waxbarashadu waa hannaan aan meel uu ku dhamaadaa jirin waayo aqoontu malahan meel ay ku dhamaato. Aqoontana waa loo tagaa ee iyadu kuuma timaad. Aayad kale oo Quraanka Kariimka ah ayuu Ilaahey ku yiri:
Warsada kuwa aqoonta u leh haddaydaan aqoonin Suuradda Al-Nahl 16:43
Waxaan Ilaahey uga mahad celiyaa inuu iga mid dhigay dadka uu jeclaysiiyay waxbarashada iyo aqoon kororsiga. Intii aan garaadsaday majirin sannad aqoonta iyo bahdeeda aan ka baxay, mar aan anigu wax barto iyo mar aan aan sii baro wixii aan aqaanay, waa tii halhaysu ahaa ‘bar ama baro’. Hadda waa ‘bar oo baro’, waayo waxbaridda qudheeda ayaaba barashada ugu fiican. kumana sii jirtaba in la joogo waa’ aqoontu ballaaratay haddana helisteedu sahlantahay, oo haddii aadan si joogta ah u cusboonaysiin waxa aad taqaan ay duugoobayaan markaasna ayan waxba kuu tarayn.
Anigoo ka duulaya cusboonaysiinta (waxbarasho) joogtada ah ee aqoontayda islamarkaana ku hamminaya inaan ka mid noqdo kuwa Eebbe Weyne koryeelay ee uu ku lamaaniyay addoomihiisa rumeeyay ee aayadda hore ku jira, ayaan go’aansaday inaan safar waxbarasho u aado dalka Itoobiya. Cilmiga aan doontay na wuxuu ahaa aqoonta la xiriirta Federaalka iyo federaalaynta oo ah barnaamij daraasadeed heerka labaad (Masters) ee jaamacadda ah.
Maxaan ku doortay Federaalka iyo Itoobiya?
Ma ahan markii iigu horraysay ee aan Master diyaariyo oo kii iigu horreeyay waxaan qaatay sanaddii 2012, halka uu jiro mid kale oo wali aan arday ka ahay oo aan heer dhamaad ah ku jiro. Waxase igu dhaliyay inaan aado master-kani waa mid muhimad gaar ah ii leh. Sanaddii 2012 ayaa 825 ergay oo Soomaali ihi ansixisay Dastuurka KMG ee Soomaaliya oo jideeyay nidaam federaal ah. Nidaamka Federaalku wuxuu dhisayaa dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyo. awooddii dowladda waxaa loo qaybiyay labadaas oo ay waajib tahay inay ku wada shaqeeyaan nidaam federaal ah oo aan wali si qumaati ah loo qeexin.
Waxaan fursad u helay tobankii sano ee Soomaalidu la daalaa dhacaysay ku dhaqanka nidaamka federaalka inaan ku dhexjiray hay’adaha dowliga ah ee udub dhexaadka u ah hirgelinta nidaamka federaalka. Golaha Shacabka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo aan qayb ka ahaa dadkii la biday aqoonta iyo xirfadda, gaar ahaan qaybaha sharciga. Dalka oo tan iyo intii uu jiray lagu soo maamulay nidaam dowlad dhexe oo awoodda xukunku ay taallo caasimadda ayaa loo rogay awood u qaybsan dhowr caasimadood oo ay ku jirto tii dalka ka dhaxeysay. aqoontii iyo waayo-aragnimadii Soomaalidu kasbatay intii aan dowladda ahayn iyo wixii nidaam xukun, sharci iyo hay’ado jiray intaba waxay ku saleysnaayeen dowlad dhexe iyo xukun midaysan. taasi waxay sintay dadkii aqoonta iyo khibradda u lahaa dowladnimada iyo kuwa ay hadda hor u tahay maxaa yeelay nidaamka cusub wax alle wixii horey u jiray waa beddalay. Doodihii aan kasoo qaybgalay ama aan goobjooga u ahaa ayaa waxaa iiga soo baxay in loo baahanyahay in la barto nidaamka cusub. Xikmad carbeed ayaa tiraahda, ‘qofku waa u cadow wixii uunan aqoon’.
Itoobiya waxa ay ka mid tahay dalal Soomaaliya siiya deeqo waxbarasho. Dalalka deeqaha waxbarashada sare ee heer jaamacadeed siiya Soomaaliya waxaa ka mid ah Turki, India, China, Russia, Masar, Suudaan, Itoobiya iyo Boqortooyada Sucuudiga. marka laga reebo Turkiga oo ardaygu si toos ah u codsan karo, wadamada kale waxay deeqaha soo marsiiyaan Dowladda. Itoobiya waxay sanad waliba deeq waxbarasho siisaa arday Soomaaliyeed oo ka yimaad Somaliland, Puntland iyo Soomaaliyada kale oo loo soo marsiiyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Deeqdaasi waxay isugu jirtaa darajada koowaad ee jaamacadda, darajada labaad iyo tan saddexaad ee heer PhD.
Itoobiya, walow ayan ahayn xulka ugu fiican marka loo eego dhanka horumarka aqoonta ee dalalkaas aan soo sheegay, se cilmiga waa uga horreysaa Soomaaliya sannado badan. Anigu, walow aan ardayda kale kala simanahay baahida iyo ka faa’iidaysiga fursadda Itoobiya na siisay, haddana inaan deeqdaas raadsado waxaan u doorbiday dhowr ujeeddo oo ii gaar ahayd:-
Intaas kasokow, Itoobiya waa dal ay jiraan sababo badan oo aawadood waxbarasho loo doona karo sida, gelitaankiisa oo sahlan, noloshiisa (maciishad) oo jaban, dhaqanka bulsho ee soo dhowaynta leh, cimillada, taariikhda faca weyn ee soo jireenka ee dalxiiska ku habboon iwm. Waxaan ku faahfaahin doonaa qormooyinka soo socda IA.
Sideen ku helay deeqda waxbarasho?
Sidaan horay u soo sheegay, deeqda waxbarasho ee Itoobiya waxay soo martaa Dowladda. dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa u qaabilsan Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda JFS. Nasiib xumo, helista deeqaha ay Dowladdu maamusho waxaa ku gedaaman dhibaatooyin badan oo isugu jira kuwo farsamo, wax-is-dabamarin iyo tixgelin la’aan. badanaa deeqaha Dowladda soo mara, gaar ahaan kuwa tacliinta sare ee heerka labaad iyo saddexaad ee Jaamacadda lama shaaciyo, looma tartamo, mana sahlana in la helo iyagoo yaal waliba. waxaa dhacda inay khasaaraan iyadoo ay jiraan dad badan oo u baahnaa, waliba qaar aan awoodin inay iskood isaga bixiyaan. Somaliland iyo Puntland qudhooda waxaa ka jira dhibaatooyin laga maro helista deeqaha waxbarasho balse ka duwan kuwa Muqdisho ka jira. Eexda, wax-is-dabamarinta, lacagaha dulsaarka ee nidaaminta deeqaha, kala wareejinta takhasusaadka muhiimka ah iwm waa qisooyin badan oo ka mid ah dhibta ay la kulmaan ardada doonata deeqaha waxbarashada.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaan waxaan sheekaysanay nin aan asxaab nahay oo ka faa’iidaystay deeqda waxbarashada Itoobiya soona dhamaystay, markaas ayaan ka wareystay sida uu ku helay deeqda iyo qaabka wax looga barto Itoobiya. Sheekadaas waxay qaadatay maalmo iyo fadhiyo badan oo mar waliba iftiin cusub iiga baxay. Markii aan yaqiinsaday, ayaan billaabay dedaal socday dhowr bilood oo caqabado badan ka dib guul ku soo dhamaaday.
Gudbisashada codsiga deeqda waxbarasho wuxuu ka billowdaa inaad hesho laba middood: inaad hesho qof siyaasi ah oo saamayn leh; iyo tan labaad oo ah inaad hay’ad dowladeed ka codsato inay kuu xarayso codsiga oo ay Wasaaradda Waxbarashada kuugu gudbiso.
Bishii Luulyo (July) 2019 ayaan gudbisaday gal ay ku dhanyihiin shuruudihii Jaamacadda Itoobiya ee aan danaynayay waxbarashadeeda. Bishii Sebteembar ee isla sanadkaas ayaa aniga iyo arday kale jaamacaddii noo oggolaatay.
Halkaas waxaa nooga billowday bog cusub oo farxad iyo rayn-rayn aan ku qabnay helista deeqda kasokow, iska warasanay nolosha Itoobiya, nidaamka waxbarasho, iyo u diyaargarow guud. Waxaa noo billowday habraacii xaraynta dukumentiyada originaalka ah ee deeqda lagu gudbiyay. Shahaadooyinka Dugsiga Sare, kuwa Jaamacadda, Baasaboorrada, Tigidhka diyaaradda iyo warqadaha fasaxa waxbarasho ee dadka Dowladda u shaqeeya.
caadiyan, waxaas oo idil waa hab la maro oo nidaamka ayaa sidaas ah, waxaase yaab lahaa caqabadaha farsamo iyo kuwa maamul ee qaarkeen ku sigteen inay deeqdii oo ay heleen haddana uga haraan, waxaana ka mid ahaa:-
Si kastaba, iyadoo caqabadahaas iyo kuwo kale ba ay jiraan ayaa Ilaahey nagu guuleeyay. Caqabadahaani waa wax aan u soo joogay se maahin wax la soo wada maray ama la wada mari doono. Waxaas badankood maadaama ay ku dhaceen farsamo xumo maamul, isbeddal ku yimaad hoggaanka iyo maamulku wuxuu saamayn ku yeelan karaa maamul wanaagsan iyo nidaamin waxbarashada naloogu deeqay. Waxaan qirayaa in dadka Soomaalidu ay u badanyihiin dad dun wanaagsan oo qalbi wanaagsan balse waxaa ku jira qaar xumeyn kara suuradda qurxoon ee ay leeyihiin inta badani, haddii aan xad loo helin na noqonaya sawirka guud ee laga qaato hay’adaha Dowladda. Maxaa ka sahlan dadkaas in lala xisaabtamo waa haddii uu jiro isla xisaabtan!.
Tegistii Itoobiya, Nolosha, nidaamka waxbarasho iyo qaybo kaloo xiiso leh ….la soco qaybta xigta.
###
Arafat Ali
Mahadsanid inaad akhrisay
Markii aad akhriso ka dib fadlan aragtidaada noogu reeb qaybta hoose ama email noogu soo dir.
Haddii ay hadda kuugu horreyso fadlan soo akhri Araarta sababta qormooyinkaan iyo waxa ay ku saabsanyihiin. halkan guji.