Articles

Hayaankaygii waxbarasho & dalbarasho ee Itoobiya

Muddo aan hal bil ka badnayn xilliga aan qormadaan qorayo ayaan aniga iyo jaallayaal kale u dabaaldegaynay gabagabaynta barnaamij waxbarasho oo aan soo billaabay dhamaadka sanaddii 2019. Damaashaadkaas wuxuu ahaa bar dhamaadka safar hiigsi iyo horumar oo muddo qaatay oo ay igu wehliyeen jaallayaal badan oo isugu jira Soomaali, Itoobiyaan iyo qowmiyado kale. Allaha weyn ee awoodda badan ayaa ku mahadsan inay guul noogu dhamaatay. Dowladda Federaalka Soomaaliya na waa u mahad naqayaa maadaama ay na siisay deeqdaas waxbarasho. Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa Shicibka iyo dowladda Itoobiya oo aqoon iyo soo dhowayn nala garab taagnaa intii aan ku jirnay waxbarashada. mahad gaar ah ayaan u hayaa ahalka, qaraabada iyo asxaabta igu taageertay hiigsigaas.

Ujeedka qormadaan iyo kuwo kale ee la xiriira ee soo socda maahin inaan kaaga sheekeeyo guushaas iyo sida aan ku xaqiijiyay ee waxaan uga jeedaa inaan kugula wadaago koobniin ku aaddan aqoontii iyo waayo-aragnimadii aan kasoo faa’iiday guud ahaan safarkaas isugu jiray waxbarasho iyo dalbarasho. anigoo aaminsan in wadaajintaan ay wax ku kordhin doonto:-

Waxay fekrad ku biirin doontaa ardada danaynaysa inay waxbarasho u doonato Itoobiya. gaar ahaan kuwo danaynaya daraasaadka takhasuska ee heer Master iyo PhD.
Ogaalgelin kooban oo ku saabsan sooyaalka siyaasadeed, xukun, dhaqan iyo diineed ee Dalka Itoobiya.
Maxay Soomaaliya ka barankartaa Federaalaynta Itoobiya?

Haddii Alle idmo, halkan ayaan idinkula wadaagi doonaa qormooyin taxane ah oo daarran ujeeddooyinka sare ku xusan. Waxaan ku faahfaahin doonaa hayaankii ogaashaha iyo helista deeqda waxbarasho; nolosha iyo waxbarashada Itoobiya. Barashadii dalka iyo dadka Itoobiya. Federaalaynta Itoobiya iyo waxa ay Soomaaliya ka barankarto. qodobbadaas iyo kuwo kale oo la xiriira ayaan mid-mid u faahfaahin doonaa.

Inaan qormooyikan sameeyo waxaa ugu wacan dhowr sabab. Tan koowaad waa inaan doonayo inaan dadkayga Soomaaliya la wadaago wixii aan soo faa’iiday si ciddii ay khuseysaa uga la baxdo baadideeda. Sababta labaad na waa iftiimin wixii aan ogaaday ee khuseeya nidaamka federaalka iyo dalka Itoobiya. walow, labaduba u baahanyihiin faallayn iyo falanqayn qoto dheer, haddana maadaama aan dadka iyo dalka Itoobiya soo bartay, anigoo akaadeemi ahaan iyo bulsho ahaan ba u darsay.

qormooyinkani keliya waxa ay ka tarjumayaan aragtidayda shakhsiga ah, loolama jeedo xaqiijin, diidmo ama buun-buunin dano aan ka ahayn ujeeddooyinka hore lagu soo xusay. ma jirto cid gaar ah oo loola dan leeyahay.

Haddaba, akhriste waxaan kaa rajaynaa inaad ku tixnaato oo aad aragtidaada noogu reebto qaybta hoose.

la socod wacan…

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button