

Inbadan oo naga mid ah uma saxna adeegsiga astaanta qaranka ee Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waayo Dastuurka qudhiisa waxaa ku muujisan astaan ka duwan mida uu qeexay qodobka 6 (2).
“Astaanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee Jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay.”
HEESKA ASTAANTA U AH SOOMALIYA
Sidoo kale waxaa laysku kahaa heesta astaanta qaranka ‘Qolabaa Calankeed’ iyo midii horey u jirtay ee ‘Soomaaliyey Toosoo’.
Halkan waxaan idiin kugu soo bandhigayaa nuqul ah heellada loo qaaday Calanka Soomaaliya ayaantii xoriyadda. Waxaa jira nuqullo kala duwan oo qolo ba wax ku biirisay.
Waxaa curiyay Abwaan Xuseen Aw Faarax. Luuqda iyo Muusiggu na waa Abwaan Maxamuud Muxummad Qarshe (Cabdullaahi Qarshe).
Labaduba waxey ka soo jeedaan Woqooyi.
Meeriskeedu waa sidan:-
Qolobaa calankeed
U waa ceynoo
Innagaa keenu waa
Cirkoo kale ee
Oon caadna lahayn
Ee caashaqaye.
Xidigyahay cadi waad
na ciidamisee,
Carradaan kaligaa
Adigoow Curadee
Cadceeda sideed u caan noqo ee.
Cishadaad dhalataad
Calooshaydii Sidii culaygii
Cidaad marisee
Allow ha ku celin cawoy dhaha ee.