Articles

Qaangaarnimo Dowladeed Mise Caqabad

Dowladnimo qabyo balse dhismeysa

Doodaha Soomaalidu isku weydaaranayaan fagaarooyinka kala duwan ee khuseeya dowladnimadu waa tiir ka  id ah astaantamaha muujinaya dhismaha iyo qaargaarnimada nidaam dowli ah ee aan si sahlan ku dumin. Dad badan baa rumeysan in dowladnimadii Soomaaliya yeelatay waagii gobonnimada la qaatay ayan hanaqaadin  maxaa yeelay waxaa jiray sababo ay ka mid tahay inaan laga wada qeyb qaadan hannaanka dowladnimo ee aanu isku xukumeyno. Ujeedka aan qormadaan ka leeyahay waa inaan ku biiriyo aragti isweydaarsiga socda, sida aan u arko arrimo badan qaab socodkooda ay dadka qaar u arkaan caqabad iyo dib-u-dhac hanaqaadka dowladnimo.

Inbadan oo ka mid ah indhaha bulshada Soomaalida ayaa muujiya quus ay ka qabaan sida nidaamka dowliga ah u korayo. Waxey bulshada inteeda kale la wadaagayaan inaanay jirin rajo laga qabo horumar iyo dowlad cagaheeda ku istaagta oo Soomaaliya yeelato. Tusmooyinka ay sidaas u daliishanayaan waa ineyan jirin Dastuur dhameystiran, Dowlad awood leh oo dalka oo idil maamusha, siyaasiyiin aan mideysneyn, amni darro, dhaqaale yari iyo kuwo kale oo badan. Fekerkaas huwan quusidda ee loo tebinayo muwaaddinka caadinka ah wuxuu abuuri karaa kacaan lagu raadiyo xaalad dhaanta oo aan la aqoon meesha ay saldhigan doonto.

Xaqiiqdu waxey tahay iney jiraan caqabado iyo jid gooyo badan oo ku gudban hanaqaadid dowladnimo ku qotonta talinta sharciga, leh dastuur laysku waafaqsanyahay, daboosha baahida bulshada ee xaqiijin iyo dhowrid xuquuqda asaasiga ah, ka qeybgal is-xukunka, ilaalinta gobonnimada iyo qiyamka bulshada. Sidaas oo jirta haddana dowladnimada Soomaalidu ma taagna meeshii 2000 markii shirkii Carta laysugu yimid. Xaalka hadda waxaa ka tarjumeysa xikamaddii horey u tiri “Dad ma ceeb la’yahay?” lama yiraa ee “Ma  ceyntaa?” ayaa la yiraa.

Dastuur

Soomaaliya waxey soo yeelatay wax ka badan afar (4) dastuur oo kan hadda dhaqangalka ahi ku jiro. Intaas waxaa dheer, axdiyo kumeel gaar ah iyo dikreetooyin maamul oo xilliyo kala guur ah lagu soo xukumay. Dastuur waa dukumenti ay heshiis ku tahay bulsho wadaagta dano badan oo deegaan, dhaqan-dhaqaale iyo himilooyin nololeed oo mideeya. Dastuurku waa inuu ka turjumaa danaha iyo baahiyaha bulshada dhigatay. Dastuurkii 1960 kii ee ugu horreeyay xilligii gobonnimada aan qaadannay wuxuu isu guuriyay mabaadiida dhaqanka Soomaalida iyo hannaanka casriga ah ee dowladnimada reer yurub ee aanaan aqoon hore u laheyn. Sidaas ayey tix raaceen dastuurradii ka danbeeyay tan iyo waagaas, dastuurkii 1979, 1990 iyo kan hadda ee la ansixiyey 2012. Dastuurkii ugu muddada dheeraa waxaa lagu xukumayey dalka toban iyo laba sano waana kii kacaanka ee 1979. Seddax nidaam xukun ayey Soomaaliya Dastuurradaas ku soo qaadatay oo kala ah; Xukun Dowlad Dhexe , Xukun Hantiwadaag iyo Federaal laba heer dowladeed ah. Nidaam kasta ee xukun wuxuu leeyahay daldaloollo iyo wanaagyo is-barbar yaal balse waxa muhiimka ah waa in la barto oo dhanka wanaagsan laga qaato.

Dastuurku wuxuu xal u yahay laba arrimood, mida koowaad waa inuu yahay dib-u-heshiisiin dhinacyo badan ee loo sameeyo qeybaha bulshada. Beelaha dhexdooda, siyaasiyiinta, rag iyo dumar, deegaannada iyo qurba joog iyo daljoog dhexdooda. Mida kale waa inuu yahay barasho dastuurku wuxuu yahay iyo waxtarkiisa oo bulshadu ku dhex baraneyso si joogta, dedaallada dib-u-eegista iyo dhaqangelinta ee socda.

Haddaba iyadoo siyaabahaas aan soo sheegay ay jiraan, waxaa la gudboon in madaxda iyo qeybaha bulshada ee baahinaya quus inuusan Dastuurkii dhamaanin ay sidaas fekrad ka duwan la yimaadaan. Dastuurku isagoon heshiis lagu wada aheyn ama aan fahan durugsan loo yeelan wuxuu marayaa waddadii ay dastuurradii isaga ka horreeyay mareen. Muddo gaaban ayaa lagu qori karaa Dastuur dhameystiran, haseyeeshee, inuu hirgalo ma sahlana haddii aan la fahmin ahmiyadda uu leeyahay iyo in nidaamka uu jideynayo laysku raacin.

Nidaamka Federaalka

Federaal waa qeybin awooddii iyo masuuliyaddii dowladda oo loo qeybiyo laba heer ama ka badan. Walow nidaamkan ay jireen Soomaali ku baaqday waayihii xorriyadda la raadinay, haddana fekerka qaadashada nidaamka qeybinta awoodaha dowladdu wuxuu ka soo unkamay shirkii Carta ee 2000, halkaas oo Axdigii ku meelgaarka ahaa dhigayey in dowladdii ku meelgaarka aheyd dalka u dejiso nidaam xukunka lagu baahiyo qaab federaal ah. Madaxdii Soomaaliya hoggaamineysay xilligii Dastuurka 2012 la qaatay, waxey dib u dhigeen qodobbada ugu muhiimsan hannaan federaali ah. Awoodaha dhaqaalaha, canshuurta, amniga guud, caasimadda, deegaanka, adeegyada dowladda iyo qodobbo kale oo muhiim u ah in lagu dhaqmo federaal.

Ka guuridda degdegga ah ee nidaam dowladeed oo loo guuro mid kale oo cusub wuxuu dib u dhigaa qaargaarnimo dowladeed oo saldhig u noqota himilooyin badan ee muwaaddinku hiigsanayo. Hadda nidaamka federaalka waxbadan ayaa ka hirgalay oo ay Dowlad Goboleedadu ka mid yihiin, wada xaajoodka joogtada ah ee labada heer dowladeed iyo inaan cabsi badan laga qabin burbur nidaamka dowliga ah oo idil saameeya, waa mid ka mid ah wanaagyada loo tiiriyo nidaamka federaalka. Daldaloollada muuqda qaar ka mid ah waxaa sixi doona waayaha iyo wakhtiga kuwa kale kalena sidii Soomaali isku fahmaan bey noqoneysaa.

Dadka Soomaaliyeed ee soo jeedinaya in federaal laga guuro oo nooc kale loo guuro waxey dhararsadeen qaargaarnimada ee yaa damaanad qaadaya haddii nidaam kale loo guuro balse uusan barwaaqo noo horseedin. Kuwo kale oo ku dooda nooca federaal ee aan qaadannay waa kuma. Adduunka aan joogno waxaa hadda federaal ku dhaqma ku dhowaad 28 dal oo ayan jirin nooc ay ka mideysanyihiin, marka laga reebo astaanta guud ee federaalnimada lagu garto. Baarlamaanka laba gole ka kooban, awoodda dowladda oo ugu yaraan laba heer u qeybsan, dastuur federaal oo kuwa kale ka sarreeya iyo hay’ad ka garnaqda khilaafka federaalka dhexdiisa, intaas waa astaamaha guud ee federaalka looga sooco nidaam dowladeedyada kale ee jira.

Nidaamka kasta ee la soo jeediyo wuxuu leeyahay sifooyin taban iyo kuwo togan. Sidaas oo kale ma jiro nidaam dawo u wada noqonaya dhammaan dhibta na soo martay.

Waxaan u baahannahay soojeedinnada bulshada la soo dhexdhigayaa iney noqoto mid toosineysa nidaamka aan aan qaadannay ee aan wax ka fahannay. Inta maskaxda iyo aqliga la maalo la soo jeediyo habab suurtagal noqon kara oo lagu tabantaabiyo hirgelin nidaam federaal ee annagoo mideysan aan xukunka uga wada faa’iideysanno.

Matelaadda & Is-xukunka

Mabaadiida Dastuurka Soomaaliya waxaa ka mid ah in dhammaan hay’adaha dowligu ku saleysnaadaan rabitaanka shacabka. Awoodda xukunkana ay shacabku leeyihiin oo lagu mateli karo oggolaanshiyo laga helo bulshada. Bulshada Soomaalidu qaab beelo ayey siyaasad ahaan u abaabulanyihiin, waana mida keentay in awood qeybinta lagu saleeyo habka dhalyo wadaagta 4.5. Waxaan arkay dad badan oo soojeediyay in laga guuro habka 4.5 oo loo guuro nidaam deegaaneed. Marka hore soojeedintu waa iney noqotaa mid la dhaqangeli karo, degaan in wax lagu qeybsado waxaa ka sokeeya caqabado ku laba jibbaarma kuwa uu wato habka 4.5.

Hannaankii ka soo billowday Carta ee nabadoonnadu yihiin degaan doorashada uu yaal go’aanka cidda kursiga leh waxaa ku dhacay isbeddal xilliba xilliga ka danbeeya awoodda loo sii dhoweynayo bulshada. Sidaas waxey tuse u tahay sida qaargaarnimada dowladdu tahay dhanka matelaadda iyo is-xukunka. Wixii toosin iyo kaabid ah waa mudantahay in lagu biiriyo, aanse lagu talin in hab horleh oo keeni kara inaan waligeen ka bixi weyno nidaam dhisid.

Amniga iyo Dhaqaalaha

Amniga iyo dhaqaaluhu waa laba aan kala harin oo isa saameeya. Dadkeena xukunka raadinaya waxey had iyo jeer ku doodaan qodobbo u badan; dastuurka yaan dhameystireynaa, amnigaan wax ka qabaneynaa, xasillooni siyaasadeed iyo kuwa kale. Intaasiba waa muhiim, balse cidina ma abbaarto halka sartu ka quruntay oo ah dhaqaalaha. Awoodda dhaqaale ee bulshadeennu aad ayey u liidataa, waxaa yar ilo dakhli oo dhaqaale laga helo, xirfad yari iyo suuq dibadeed aan wax soo saarkeena u iibgeyno oo aan jirin ama yar ba. Amniga iyo siyaasaddu waxey hagaagayaan marka dadka risiqa ka doontay labadaas ay yaraadaan oo ay helaan il dakhli kale ee ay noloshooda ka maareeyaan.

Waxaan siyaasiyiinta u soo jeedinayaa iney xoogga saaraan oo fekerkoodu ku jiheeyaan sidii ilo dhaqaale joogta ah ugu abuuri lahaayeen bulshada oo xirfaddooda iyo wax-soo-saarkoodu u horumariyaan. Suuq ugu raadiyaan badeecadaha iyo wax-soo-saarka dalka.

 

 

Source
Qaamuuska Maahmaahyada Soomaaliyeed, Georgi L. KapchitsFederalism, IDEA, Elliot Bulmer

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button