Articles

Go’aannadii Beesha Caalamka ee Madaxbannaanida Soomaaliya

Akhriste waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qaar ka mid ah dukumentiyadii ugu muhiimsanaa ee Dowldnimada Soomaaliya.

1. Heshiiska Nabadda ee lala galay Talyaaniga (Treaty of Peace with Italy) waa heshiis ay wada galeen quwadihii ku guuleeystay Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo Dowladdii Talyaaniga, ujeedkiisuna ahaa in Talyaani dagaalka joojiyo, ku soo biiro Qaramada Midoobey. Heshiiskaan waxaa lagu galay Paris, 10 Febraayo 1947 wuxuuna dhigayaa in Talyaanigu ka tanaasulaan deegaannada uu haysto ee Africa ee Liibiya, Eritrea iyo Italian Somaliland. Fadlan halkan kasii daalaco treaty of peace with italy 1947

2. In Soomaaliya la geliyo Maxmiyad toban sano ah oo uu hoggaaminayo Maamul Talyaani ah waxaa go’aamiyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey 21 Nofeembar 1949. Halkan kasii daalaco go’aankaas Somali trusteeship under AfIS (21 Nov 1949)

3. Golaha Wisaayada ee Qaramada Midoobey iyo Dowladda Talyaaniga ayaa heshiis ku galay 7 Janaayo 1950 sida loo maamulayo Somaaliya inta ay ku jirto tobanka sano ee Maxmiyadda. Heshiiskan wuxuu ka kooban 25 qodob ee shuruudaha laga doonayo Maamulka Talyaaniga iyo awoodaha ay leeyihiin. Heshiiska waxaa ku lifaaqan Baaq Mabaadi’da Dastuuriga ah (Declaration of Constitutional Principles) oo ka kooban diibaajo iyo 10 qodob oo loo gollahaa (1) in lagu dhowro xuquuqda dadka Maxmiyadda, (2) in loo dhiso hay’ado dowladeed oo u suurtageliya is-xukun madax bannaan, iyo (3) xqiijinta ujeeddooyinka nidaamka maxmiyadda ee Axdiga Qaramada Midoobey (qod. 76 UN Charter). Halkan kasii daalaco TRUSTEESHIP AGREEMENT FOR THE TERRITORY OF SOMALILAND UNDER ITALIA (27 Jan 1950)

4. Heshiiska hore ku xusan waxaa 2 Diseembar 1950 Ansixiyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey waana taariikhda ay ka billaabmayso tobanka sano ee Maxmiyadda dowladnimo gaarsiinta ah. halkan kasii daalaco  APPROVAL TRUSTEESHIP AGREEMENT FOR THE TERRITORY OF SOMALILAND UNDER ITALIAN ADMINISTRATION ( RES_442(V)-2 Dec 1950)

5. 5tii Diseembar 1959 ayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobey go’aamiyay in Soomaaliya 1da Julay 1960 ay noqoto dal xor ah, madax bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobey. halkan ka daalaco Date of the Independence of Trust Territory of Somaliland Under Italian Administration (A_RES_1418(XIV)_5 Dec 1959)

Arafat

Waxaan ahay shakhsi dhex-dhexaad ah, jecel inuu aqoon iyo ogaal kororsado, qirsan xaqiiqda (dhabta) ah ee la hubiyay, oggol in la kala aragti duwanaan karo iyadoon wada noolaashaha waxba loo dhimeyn. I am a neutral person who loves to learn and know more, acknowledges the truth, allows differences of opinion without compromising coexistence.

Related Articles

Back to top button